![](https://talkwithmajid.com/wp-content/uploads/2024/02/dastuurka-federaalka-1024x561.jpg)
HORDHAC
Dib u eegista dastuurka Soomaaliya, waxa ay soo socotay muddo ka badan 11
sannadood. Shaqooyinka hor tabinta u leh dowladda Soomaaliya waxa ugu waaweyn
sugida amniga dalka iyo dhammeystirka Dastuurka oo ah qoddobka labaad ee
ahmiyada ugu ballaaran leh.
Waxayna maamuladii kala dambeeyey ay diirrada saarayeen in si deg-deg loo
hirgeliyo dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya oo loo wada dhan yahay. Dastuurka
Soomaaliya oo u xayirnaa arrimo farsamo iyo mid siyaasaddeed, waxaa inta ugu
badan lagu guulleystay in la dhammeystiro arrimaha farsamo, iyada oo weli ay
qabyo tahay dhammeystirka arrimaha u xayiran is afgarad siyaasaddeed iyo
heshiis loo wada dhan yahay.
Dowladda uu hadda hoggaamiyo Mudane. Dr. Hassan sheikh Maxamuud, waxa hor yaala
fullinta ballan qaadkii ahaa dhammeystirka Dastuurka Dalka, gaar ahaan
qodobbada Dastuuriga ee u xayiran is afgarad iyo heshiis siyaasaddeed oo loo
wada dhan yahay in lagu dhaqaaqo.
20 Bilood ka dib, waxa labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay u coddeeyen
Hab-raaca ansixinta wax ka beddelka Dastuurka Ku meel gaarka. Waxa ayna abuurtay
yididiilo iyo rajo iftiimaysa in loo dhaqaaqay dhammeystirka Dastuurka dalka
iyo ka bixida ku meel gaarnimada dastuureed. Halka geesta kale ay dooda ka
dhalisay dhanka mucaaradka oo aaminsan inaysan xilligan ku habbooneyn in lagu
deg-dego tallaabadaas.
Si walba oo ay tahay maamulka hadda jira, waa xilligi ugu habboona ee ay ku
dhiiran karaan qaadista tallaabadan, haddii kale waxa dhalanaysa in shanta
sanno ee soo socotana lagu sii jiro ku meel gaarnimo dastuurreed.
WAX KA BEDDEL DASTUUR NOOCEEYA AYAY U BAAHAN YIHIIN SOOMAALIDU?
Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku nool yihiin, waxay ku rajo weyn yihiin
inay ka baxaan ku meel gaarnimada Dastuureed sidii ay uga baxeen ku meel
gaarnimada Dowladdeed.
Nooca Dastuur ee ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin waxay tahay inay helaan
Dastuur dhammeystiran oo ay kaga baxaan ku meel gaarnimadii soo jirtay muddada
11-ka sannadood, Dastuurkaasi oo damaanad qaadaya qodobbada hoose ee ka mid ah
qodobbada loogu baahiyaha badan yahay:
- Dastuur madax bannaan oo loo wada dhan yahay oo ay daneeyayaasha
siyaasadda iyo hoggaanka dalkuba u wada dhan yihiin meel marintiisa iyo
ku dhaqankiisa - Dastuur madax bannaan oo u dhammeystiran qodobbada asaasiga ee muwaadinku
xaqa u leeyahay ee ka mid ah (xaqa in muwaadinku dooran karo hoggaankiisa,
xaqa in muwaadinku isku sharxi karo jago walba dowladdeed si loo doorto,
xaqa ka mid noqoshada hoggaanka siyaasadda dalka) - Dastuur ka madax bannaan in loo xayiro danaha shaqsiyaad iyo kooxo gaara
ah - Dastuur u madax bannaan una siman dhammaan qof walba oo Soomaaliyeed
siinayana xuquuq wada siman - Dastuur ka madax bannaan fara-gelin shisheeye oo saameyn ku reebaysa
dannaha iyo mustaqbalka jiilasha dambe - Dastuur madax bannaan oo dib u eegistiisa aysan qaadan doonin muddo ka
badan 10 sannadood
Wax ka beddel Dastuur oo ku dhisan qodobbadan kore, waxay saldhig u tahay inuu
buuxiyo baahiyaha Dastuurreed ee haatan ay tabayaan dadka Soomaaliyeed, waxayna
mas’uulliyadaas gacanta ugu jirta hoggaanka dalka iyo guddiyada magacaaban ee
u xil saaran dejinta, wax ka beddel iyo dib u eegista dastuurka dalka.
Waa guul weyn haddii uu amba qaado dib u eegista dastuurka dalka kuna dhammaado
muddo laba sanno. Akhriste Su’aasha ina hor taala waxay tahay ma hirgeli doona
dib u eeggista Dastuurka dalka ka hor doorashada dalka ee 2026?