HORDHAC
Horaantii dhalashadayda iyo xilliyadii aan garaadsaday oo aan gaaray da’da wax garashada iyo kala sooca wanaaga iyo xumaanta, waxa ay maqalkaygu marqaati ka ahaayeen in dalkani (Soomaaliya) uu yahay dal leh kheyraad isugu jira Bad iyo Barri balse marnaba dhaayahayga ma saarin wax caddeyn kara hanashada iyo ka faa’ideysiga kheyraadkaasi.
Sannadihii dambe ee aan kusoo biiray bahda cilmi-baarista iyo kooxaha sameeya daraasadaha, wax walba oo aan xogteeda helo waxaan ku keydin jiray boggag bannaan, aniga oo adeegsanaya dhibcaha midabadda kala duwan leh ee uu xariiqo awooda mucjisada loo yaqaan ee qalinka.
Nasiib darro, intii aan wax qorayay marnaba qalinkaygu ma tibaaxin dhacdo la xiriirta kheyraadka Soomaaliya oo lasoo saaray, miraheedi oo la gurtay, lagu manaafacaaday, dal iyo dibbedba loo iib geeyey, looga baxay baryada iyo gacan hoorsiga dulleysani.
Taasi beddelkeeda, waxaa aan wax badan ka qoray kheyraadka uu dalkani (Soomaaliya) leeyahay ee aan lasoo saarin, aniga oo kasoo cuskanaya cilmi-baarisyo aan ka keenay buugaag iyo daraasado ay ka sameeyen xeel-dheerayaal Soomaaliyeed iyo aqoonyahano kasoo jeeda dalal shisheeye. Haddaba weydiinta ina hor taala waxay tahay ma dalkani (Soomaaliya) ayan kheyraadba lahayn oo dhalanteed ayay ahayd wixii dhagaheenu wayahaa tirada badan ay maqalkoodu ku bateen mise qorshe la’aan dadkeeda ah ayaa jira oo hagar daaminaya rajada la xiriira soo saarista kheyraad Soomaali leedahay.
Wuxuu waqtigu isdaba roggo oo aan usoo joogno waaya badan oo kheyraadka dalkeennu ahaa sheeko ku dhisan janno dunni taala oo aan la arag, ugu dambeyn waxaan marayna waqtigiii baraaruga iyo sheegashada inaan leenahay kheyraad dabiici ah oo Alle inagu manaystey ay noqon lahayd mid soo afjarmata oo qanacsanaantaasi (La haanshiyaha oo keliya) meel la dhigo, waxay taagan tahay waaggii aan u jiheysan lahayn dejinta qorshe fullineed oo hoggaankeedu ay leeyihiin dadka (Soomaalida) ee iska leh kheyraadkani.
Waxaan maqaalada xiga kaga hadli doona, caqabadaha haysta soo saarashada kheyraadka Soomaaliya, sida looga gudbi karo, jiheynta iyo iftiiminta doorka bulshadu ku leedahay u dhaq-dhaqaaqida ka faa’ideysiga kheyraadka dalkeeda, damaca liita ee sookeeyaha iyo shisheeye kalkaalka qodxaha sita iyo saadaasha mustaqbalka xiga ee aan loo diyaarsaneyn.
La soco Qeybta 2aad dhowaan