GARASHO LI’I IYO GACMO XIRAN OO IS BIIRSADAY!
Kolka loo yimaado in aadanaha uu soo saarto kheyraad dhulleed/baddeed, waxa uu la kowsadaa caqabado isdaba jooga oo u baahan in xalkeeda oo sugan la abuuro si looga sal-gaaro u jeedada oo noqonaysa in la manaafaacsado kheyraadka uu dalkaasi hantida u leeyahay.
Dalkeenna marka loo yimaado, caqabadaha iman lahaa, waxa kasoo horeysa inaanay jirinba dhaq-dhaqaaq fullineed oo ku aadan soo saarista kheyraadka Alle inagu manneystay, waana arrin aan ugub ahayn oo laga wada dharagsan yahay jiritaankeeda asal ahaan. Hassa’ ahaate, aan dul istaagno caqabadaha salka jira ee sidii horeba Aabbayaasheena ay ugu hor istaageen inay dhaayahooda saaraan kheyraad ay leeyihiin oo suuq joog ah, jiilka haatan jirana ay ugu tahay caqabad oo sidii bir mug weyn leh oo diidan inay soo qaloocato oo waa’ horre inta la kululleeyey qaboobday oo daxaleysatay rajo badana aan ka muuqan soo qaloocinteeda inay daadato mooye’ si bir cusub looga raadsado, waa haddii garaadku intaasi ina garansiiyo.
Caqabadaha ina ragaadiyey ee naga hor taagan inaan qaadno tallaab fullineed oo aan ugu sahan tagayno soo saarashada kheyraadka aan dhaxalka u leenahay waxay isugu jiraan laba qodob (Garashada oo inaga maqan iyo Gacmaha oo ina laaban) oo is biirsaday, kuwaa oo inaga naafeeyey garashada, damaca, doonista, dadaalka iyo hanashada waxaynu muddanahay inaynu helno waqti horeba.
Cid kala’se eeddi maaye’ aan ku billaabo ninkaygan (Majid) qormadda haatan qoraya ee aad moodo inuu la damqanaayo qoddax uu waa’ horre ku istaagay awooddi kara la’yahayna inuu iska xayuubiyo, isaga oo lixaadkiisu dhammeystiran yahay, haddana damqashada xannuunka leh ee ay ku hayso qoddaxda yari la barrooranaya sannado aan tirsigoodu kala go’ lahayn, kuna qanacsan inuu ku baroorto “Allaw, Alle yaa kaa siiba Qoddaxdani xanuunkeeda haba ku daaye’….”. Waxaan cod sarre iyo mid hoose ku baroortaba, iyana iga bixi diiday ana iska saari waayay, tolow yaan miciin bidaa oo garasho iyo gacmo furran leh?.
Waa taas oo kale xaalka aan ku suganahay ummad ahaan (Soomaalida meel walba ay joogaan), waa xaalka ay aqoon-yahannada ilaa wax-magaratada, dhallaanka ilaa waayeelada, gabdhaha ilaa habraha, wiilasha ilaa odayaasha, cuqaasha ilaa cullimada, shacabka ilaa siyaasiga ay dhex dabaallanayaan. Haddii aan arjiyo dhaadheer oo eeddeymo ku qoran la nimaadno, taasi oo xarfo la isku daray laga abuuray erayo xanaf leh oo lagu cabirayo laguna eeddayo xaalka aan ku suganahay, waxay qorri lahayd laba eray oo keli’ ah (Garasho li’i iyo gacmo xiran) oo sababteedu aan annagu leennahay.
Waa tii Alle SWT hore inoogu sheegay Qur’aanka Kariimka, in wax walba oo ina haysta (Musiibo) ay sababteedu leedahay waxaynu gacmaheena ku falnay oo garashadeenna iyo raalli ahaanshaheenna ku yimid.
Faallada labaad, ee qormadan (KHEYRAADKA DALKEENNA MA DHALLANTEEDBAA?) waxa aan diirrada ku saarayay in si adag loo garto waxa halkaas ina dhigay shalay ilaa maanta, berri’na aan hallista ugu jirno, Alla’ inooma qadaree inay tahay Garasho li’i iyo gacmo xiran oo caaddo umaddeed inoo noqotay.
Qeybta xiga waaba haddii intaan aan la nimaadno qirashadeeda, waxaan kaga warrami doonaa halka ay fursadaha inaga xigaan, talaabooyinka ugu habboon aynu ku dhaqaaqi karno iyo rajada weli inoo iftiimaysa ee aan diidanahay inaan il bidix ku fiirino, iyada oo tii midig ahayd arrageeda waa’ horre inaga wiiqay.
La soco qeybta 3aad dhowaan …