KU DHAQAAQ TALAABOOYINKAN INTA LAGU GUDDA-JIRO BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAN

Talaabooyinkan hoose waxay ka mid yihiin acmaasha, iyo ficilada ay mudan tahay inuu joogteeyo qofka Sooman, gaar ahaan inta lagu gudda-jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

  1. Qur’aan Akhris joogta ah: Inta lagu guddo jiro bishan barakaysan ee Ramadan, waxaa dar-daaranka ugu weyn ee la siiyo qofka sooman ay tahay akhrinta Qur’aanka kariimka, iyada oo lama huraan ay tahay in jadwal loo dejiyo, si qofka Sooman uu Qur’aanka ugu dhammeeyo inta lagu gudda-jiro bishan barakaysan ee Ramadan.
  2. Badsashada saaladaha Sunnada: Qofka soomani, waxaa looga baahan yahay inuu badsado saaladaha ka hor iyo ka dib salaadaha faralka ah, waxay kordhinaysa xasanaatka iyo ajarka uu helayo qofka Sooman.
  3. Joogteynta wardiga: Waxaa aad u muhiima in wardigu uu carabka qofka sooman ku bato, si kalmad walba oo uu ku dhawaaqayo ay noqoto mid uu ku xusayo Alle SWT kuna helayo xasanaad iyo ajar aan lasoo koobi karin.
  4. Sadaqada: Waxaa bishan mudan in sadaqada la badiyo oo qofka sooman intii uu awoodi karo uu ku bixiyo sadaqo, haddii aad awooddana aad affuriso qof sooman si aad ajarkiisa oo kale u hesho.
  5. Saaladaha habeenkii: inta ugu badan dadku waxay salaadaha bilaaban marka ay soo dhawaato xilliyada leylatul Khadriga, ka soke’ waxaa loo baahan yahay in habeenkii lasii joogteeyo u kicida saaladaha, si Alle SWT aad ugu sii dhawaato.



Lama soo koobi karo acmaasha kheyrka leh ee la sameeyo bishan barakaysan si ajarka loo badsado. 5-taasi talaabo waxay ku dhaweynaysa inaad si buuxda u noqoto qof ka faa’iideystay bisha barakaysan ee Ramadan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *