Aasaarta iyo taariikhaha ummada Soomaaliyeed marka laga warramayo, gaar ahaan taariikhaha ku dhisan halganka iyo gobanimadoonka waayihii guumeystuhu uu calankiisa ka dul babanaayey geyiga Soomaaliyeed iyo Afrikadaba.
Waxaa isla markiiba xasuustaada kusoo dhaceysa halgamaagi weynaa ee Soomaalida iyo caalamkaba uga tagay taariikh dheer oo ku suntana gummeysi diidka iyo gobanimo doonka ee uu ugu dambeyn u shahiiday.
Sayidka waxaa laga qoray oo laga daabacay taarikh tiro badan oo ay soo saareen qorayaal iyo taariikhyahano isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, ha u badnaadeen Ajaaniibta u dhuun-daloolay helista taariikhaha halganka ee waayihii guumeystuhu maquuninta ku haystay dalalka Afrikada.
Sayidka waxaa laga soo tabiyey taariikho isugu jira run oo inta taariikhyahanada rasmiga ah iyo dadkii ka dhawaa halgankii Sayidka ay kasoo tabiyeen oo uu hoggaanka u hayay haldoorkii ahaana qoraaga Soomaaliyeed oo u lafa dhigay sidii uu halgankii Sayidka oo aan xarafna ka qaldaneen ugu soo tabiyo caalamka waa Qoraa/Abwaan AwJaamac Cumar Ciise, waxaase geesta kale jiray taarikho Sayidka laga soo tabiyey oo been abuur, mala-awaal iyo ku tiri ku teen isugu jiray oo aan sal iyo raad midna tooda lahayn balse nasiib darro dad badan ay si run ahaan u aamineen una qaateen inuu ahaa taariikho rasmi oo soo jireen ahaa.
Sifo walba oo lagu suulin karo aasaartii iyo taariikhahii halgankii dhiiga badan ku daatay kuna dhisnaa dhacdo rasmi ahaa ee Sayidka iyo Daraawiishta ay lahaayeen, waa la isku dayey in la qariyo oo la tiro lana maan dooriyo jiilasha dambe ee Soomaalida lana tuso in awoowgood uu waalana, fulayna ahaa, kuna qaldana weeraradiisa ugu dambeyna si fool xun ugu geeriyoday, se’ waa suuli waayey taariikhdiisa rasmiga ah oo waxay soo jirtay in ka badan hal qarni iyada oo la qarin kari waayay, waxaana summad halgamaa uu ugu asteesan yahay tan iyo geeridiisi dhammaan dadka Soomaalida geyi walba oo ay ku nool yihiin, iyaga oo quluubtoodana ku haya taalana u taagay.
Si aad uga boggato taariikhda sayidka oo sal dhig iyo raad-raac rasmi ah leh, waxaa aan halkan hoose idin kula soo wadaagaya Lifaaqan hoose oo idin fududeynaya inaad ka daawataan Dokumentari Filim ay AlJazeera ka diyaarisay taariikhda Sayidka iyo halgankiisa, iyada oo ay la socoto tix-raaco la taaban karo, waxaase aan dhihi karaa waa xogta ugu dhow oo ay mudan tahay inaad Sayidka ka barato kana ogaato taariikhdiisa, gaar ahaaneed midiisi halganka ahaa.
Asalka Dokumentariga ka daawo Lifaaqan hoose ee AlJazeera:
https://www.youtube.com/watch?v=nODw20u4oc8
Dokumentariga oo ku turjuman Af Soomaali ka daawo Lifaaqan hoose ee OGAANSHO CHANNEL:
https://www.youtube.com/watch?v=WXAVu7kbDOg