BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAN
Hadddii aad maanta soo gaartay Bisha Barakaysan ee Ramadan, ha mooganaan inaad bishan uga faa’iideysato si ka duwan bilahi hore.
Bishan barakaysan, waxa qofka muslimka ugu habboon inuu uga faa’iideysto Aakhiradiisa, waxaa uu qofka muslimka ah uga faa’iideysan karaa inuu Alle SWT ugu dhawaado cibaadaadka uu sameynayo.
Sida culumada muslimiinta ah inoogu wacyi-celiyaan, waxaa lama huraan noqonaysa inaan nafaheena iyo nafaha kale ka shaqeyno sidii aan ugu wacyi-celin lahayn si dhabaha bishan barakaysan ay uga bixin uguna dhawaadan Alle SWT.
Akhriste, waxaan kaaga digaya in bishan ay kugu dhaafto adiga oo aan wax camal kheyr leh iyo xasanaad dheeri ah aan ka shaqeysan.
Waxaan dhammaan ummada Muslimiinta iyo Soomaalida ugu bishaaraynaynaa bishan barakaysan, waxaana rajaynaynaa inuu Alle SWT inaga yeelo kuwii kheyrkeeda iyo barakadeeda ka faa’iideysta.