Indhaha-Soomaaliyeed –2023-
1.0 Hordhac
Waa Majaladdii ugu horeysay ee nooceeda ah, midaa oo lagu soo bandhigi doono gudaha iyo dibedda dalka Soomaaliya.
Waxa si wada jir ah usoo qaban-qaabinaya majaladdan xarunta Akhriska-Qoraalka ee Talk with Majid iyo Shirkada Daabacaaddaha casriga BrandSom.
1.1 Nuxurka Majaladda
Majaladdan oo noqonaysa mid sanad-le, waxa uu jeedkeedu noqon doonta in indhaha Soomaaliyeed iyo mida caalamka looso bandhigo xaqiiqada iyo xogta rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed leeyihiin.
Waxa muddooyinkii ugu dambeeyey hagar daamiyey horumarka iyo dib-u-dhiska ummadeed ee guud ahaan Soomaalida, waa wararka isugu jira qoraallada, sawirada, muqaallada lagu baahiyo meelaha kala duwan, kuwaa oo ay baahiyaan shirkado iyo kooxo aan aragti dhow ka haysan, waxa ka jira gudaha dhulka Soomaaliyeed.
1.2 Ujeedada Majaladda
Majaladdan waxa ku diyaar ah inaan annaga kaga fal-celino, ficilada noocaasi oo kale annaga oo oo muujinaya, qoraallada, sawirada, muqaallada dhabta ah ee haatan ka jira dalkeenna.
Majaladdan ayaa hadafkeedu noqon doono in fariinteeda loo baahiyo qaab heer caalami ah, lana gaarsiiyo fariinta ay xambaarsan tahay guud ahaan daafaha caalamka. Iyada oo lagu baahin doono ilaa 3 luqadood oo kala duwan.
1.3 Ka qeyb galayaasha Majaladda
Majaladdan, waxa ay ka koobnaan doonta qeybaha kala duwan ee horumarka iyo kobaca laga sameeyey sida, shirkadaha, bangiyada, goobaha waxbarasho, xarumaha caafimaad, warshadaha iyo qeybaha kale ee bixiya adeegyada bulshada.
Si loo soo bandhigo xog rasmi ah, waxa ka shaqeynaya majaladdan tiro dad oo gaaraya 20-25 qofood oo ka kala shaqeyn doona shan waxood oo ay ka kooban tahay majaladdani.
Gor dhow ka fillo daabacaddeeda ugu horeeya, iyada oo lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho.
1.4 Qeybta Xiriirka
Nagu soo biir, si aad qeyb uga noqoto baahinta fariin wadareed xambaarsan yididiilo, horumar iyo hiigsi aad u fog: –
Telefoon Lambar: 061-9757552 / 061-1598081
Mail: majkahusni2@gmail.com
Web: talkwithmajid.com
Dhamaad
W/Q: Majid Hussein