DAAWO – DHAXAL AWOOWE – DOKUMENTARI FILIM 2024

Ka daawo lifaaqan hoose hordhaca muqaalka Dhaxal Awoowe oo ah Dokumentari Filim looga faalloonayo taarikhda Qorista far-Soomaaliga, caqabadahi laga soo maray iyo xaalllada uu xilligan marayo Af-Soomaaliga.

Waxaa uu Dokumentarigan kulmiyey xeel-dheerayaal cimrigooda iyo waqtigooda soo geliyey ka shaqeynta qeybaha kala duwan ee AfSoomaaliga.

Waxaa Dokumentarigan Qoray|Soo-saaray Majid Hussein, waxaana xuquuqda duubista iyo baahinteeda leh Shirkadda StreamNxt TV oo ka shaqeysa soo saarista muqaal xambaarsan xogo iyo xasuuso oo laguuso bandhigo hab-farshaxan leh kuna dhisan madadaalo dhammeystiran.

Goor dhow waxaad muqaalkan oo dhammeystiran ka daawan doontaan boggaga ay baraha bulshada ku leedahay shirkadda StreamNxt TV.

Ka daawo muqaalka hordhaca lifaaqan hoose –

https://www.facebook.com/share/v/HxcPZQb8P2TC5K2M/?mibextid=jmPrMh

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *