Dabeecaddaha xun ee saameynta ku leh Jiritaanka Qofka

Dabeecaddaha Liita

Dabeecad xun waa dareen, hab, ama dabeecad aan iskaashi iyo yididiilo ama wax dhisid ahayn. Weligaa ma is waydiisay sababta dadka dabeecadaha xun aanay inta badan ugu faraxsanayn noloshooda?

Dadka dabeecadaha xun waxaa lagu tilmaamaa sida:

\”Qof dagaal badan, kibirlow ah, af-furan, dhaleeceyn badan, daacad aan ahayn, ka fogaada dadka, xaasid ah, cadaawad badan, danayn la\’aanta ku badan tahay, dulqaad la\’aan ay ku jirto, rajo-xumo, eex, xanaaq badan, qalafsan, murugo badan, danayste ah, shaki badan, dareen iyo naxriis la\’aan ah ugu danbeyna aan run\’le ahayn.\”

10 calaamadood oo lagu garto inaad dabeecad xun leedahay…

1. Waxaad (mar walba) isla barbar dhigta dadka kale.

2. Waxaad ixtiraam ka sugaysaa dadka ay shaqadoodu tahay inay dadka kale liidaan.

3. Had iyo jeer waad deg-degaysa.

4. Waxaad ku qotontaa isku dhacyada dadka aad danayso.

5. Waxaad la qabsatay inaad isku aragto mid aan la jeclayn.

6. Si daacad ah ayaad u aaminsan tahay inaad dadka kale ka sarreyso.

7. Dadku waxay kuugu yeeri jireen hab-dhaqankaaga haddii ay tahay mid xun.
8. Waxaad ka filaysaa dadka kale inay ku ixtiraamaan ka hor inta aanad ixtiraamin .

9. Qof kastaa wuu kaa xanaajin kara si fudud oo aan dhibi ku jirin.

10. Qof ayaad ciil u haysa ujeedo ama sababo la\’aan.

Sideed u Tir-tiri Kartaa Akhlaaqda Xun?

1. Ka saar fikradaha xumaanta noloshaada oo dhan.

2. Tax oo tibaaxyo u samey fikradaha xun oo ku dadaal sidi aad u bedeli lahayd.

3. Iska daa Rajada aan rumoobi karin.

4. Ka fogow dadka xun-xun haddii iska dhowri karin.

5. Caawi kuwa kale adiga oo aan ka sugeyn inay dib ku caawiyaan.

 

 

 

W/Q: Majid Hussein

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *