JABKII TATAARKII AWOODDA BADNA MAXAA LAGA BARAN KARAA?

AWOODDII TATAARKA IYO JABKII UU GEYSTAY DHANKA MUSLIMIINTA

Waxaa taariikhda ku xusan oo si faah-faahsan loogu warramay Tataarkii awoodda badna ee soo maray dunnida iyo xukunkoodi qalafsana ee ay adkaatay in la jabiyo, Waxaa taariikhda si gaara ugu xusan ficiladii gurracan ay la yimaadeen gaar ahaan dhanka fasahaadka, dilalka, baa’bi’inta assaarta ummada muslimiinta iyo la dagaalanka jiritaanka Islaamka.

Tataarku waxay isku biirsadeen awood iyo cabsi-gelin oo goobtii ay cagta mariyaan waxay kaga tagi jireen raad aan la mahdin, waxay ku reebi jireen midabka cas ee dhiigga inuu u qul-qulo sidii daad soo fatahay oo kale.

Tataarku wuxuu jab badan u geystay Muslimiinta iyo boqortooyinkii/dowladdahii xilligaasi jiray, ilaa ay Muslimiintu intooda ugu badan ay fadhigooda ku sugayeen ilaa intuu Tataarka kasoo gaarayo si uu cagta u mariyo/u cafiyo, waxay Muslimiintu tabar iyo taag u waayeen inay iska caabin iyo la dagaallan kala hor tagaan Tataarka.

Culimada Muslimiinta ee Taariikhyahanada ah, waxay ku sifiyeen jabkii Muslimiinta inuu sabab u ah laba arrimood, mid ugu weyna waxay ahayd tafafaaruq iyo midnimo la’aantii ka dhex jirtay Muslimiinta iyo boqortoyooyinkii jiray iyo cabsi darran oo dagtay quluubta iyo caqliga muslimiinta oo gacmaha xiray.

Wuxuu Tataarka Cagta soo mariyo Muslimiin iyo hoggaan badan oo qiima lahaana kurta ka wada jarro si arxan darro leh, wuxuu taariikhahii iyo aasaartii ay lahaayeen Muslimiinta soo tir-tiro si aan kala sooc lahayn, waxaa lasoo gaaray waqtigii Taariikhdu ay qori lahayd Jabkii Tataarka iyo joogsi lagu sameeyey, iyada oo magac iyo awoodda Tataarka lagu daray ciidda. Yaase Jabiyey, qaabke loo jabiyey, Maxaase laga baran karaa jabkooda? waxaad ku akhrin doonta ciwaanada hoose.

U DIYAAR GAROWGA JABINTII TATAARKA IYO DOORKII HOGGAAMIYE QUDUS

Tataarka oo qabsaday dhulal badan oo muslimiin oo waagaasi iyaguba ahaa boqortooyo awooddo buuxda lahaa, ilaa ay gaarsiiyeen inay seddexdii boqortooyo/dowladdood ee islaamka ugu waaweyna inay bur-buraan, si darrana u xasuuqan, taariikhdana baal-mugdi ah ka galay, waxaa Tataarka usoo haray keliya boqortooyadii/dowladdii Masar oo ay isugu wada yimaadeen inta kasoo hartay/ka badbaaday xasuuqi ay wadeen Tataarka.

Taariikh dheer ayaa halkaas ka currantay balse waxaan kusoo koobayna dhalashadii iyo hoggaankii Mamaaliigta oo noqday seeftii afkeedu dabka ka kulula ee Tataarka loo diyaariyey.

Midnimo la’aantii iyo Hoggaan xumadii lagu jabiyey inta badan Boqortoyooyinki hore ee Muslimiinta ee aan taariikhdooda mid mid u istaagi karin, waxaa Maamaaliktu bilowday midnimo doon iyo is biirsi awooddeed iyo hoggaan dhisid buuxda oo loogu diyaar garoobayey ka hor taga Tataarkii awoodda badna, waxayna soo kasbadeen hoggaanki muslimiinta intii kasoo hartay.

Tataarka oo kusoo dhawaaday furrimahii ay aaminsanaayeen inay ku jabinayaan dowladdan/boqortooyadan daciifka ah ee Maamaaliikta sidii ay cagta usoo mariyeen kuwii hore oo kale, Holaako oo hoggaankeedu laha dagaalkaasi ayaa wuxu soo diray farriin sidii uu horeyba ugu diri jiray intii ay soo jabiyeen.

Holaako oo hoggaanka u hayay Tataarka ayaa soo diray farriintiisa, wuxuuna ugu baaqay isaga oo ku jees-jeesaya inay isasoo dhiibaan oo sidii kuwii hore oo kale madaxa soo horaarsadaan, waxaana farriintiisa ku cad inuu madaxa wada jarayo oo cafis iyo wax u dhowna uusan jirin.

Doorkan Hogaamiye Qudus hoggaan xumo iyo midnimo la’aan ma hayn, waxaa isla markiiba bilowday kicin iyo baraarujin, waxaan khudbad taarikhi ah halkaas ka jeediyey Qudus iyada oo nuxurkeeda ahaa Muslimiiney, hoggaanka Musliimtaay keligay ayaa baxaya cidii i raacaysa iyo cidi iga haraysa anigu waxaan u dhaqaaqaya ka hor taga iyo la dagaallanka Tataarka, Musliimeynay yaa Islaamka Difaacaya haddii aynan annaga difaacin?. Waxaana intaasi ku baraarugay oo ku kacay muslimiinti iyaga oo diyaar u noqday dhiig cusubna helay ayaa aqbalay khudbadii Qudus.

Ku darsoo Muslimiinta ciiddan aad u ballaaran ma haysto, dhaqaale badan lama hayo, waxaana taarikhdu ay xusta in Qudus uu xilka hayay wax ka yar hal sanno kuna jabiyey Tataarki isla sannadkaasi gudahiisa ku geeriyooday balse waxaa ka go’naa jabinta Tataarka. Wuxuu si fican u abaabulay hoggaankii Muslimiinta iyo ummaddii muslimiinta inay dhaqaalahooda iyo dhiigooda isugu biiriyaan jabinta tataarka, waana ku guulleystay.

JABINTII TATAARKA

Tataarku sidii ayuu diyaar u yahay oo jabin iyo bur-burin ayuu la diyaar yahay doorkana uga duwaneen sidii jababkii hore ee horey ay u soo geysteen.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaalkii Ceynu Jlaat iyo jabintii tataarka oo Alle SWT ku garab galay, ciidamo, shacab iyo hoggaan oo isbiirsaday ayaa lagu jabiyey tataarka.

Taariikhda oo dheer awgeed farsamooyinki iyo dhacdooyinkii lagu jabiyey Tataarka masoo koobi karno balse waxaa sidaasi bur-bur ba’an loogu geystay Tataarkii awoodda badna ee fasaahadka ku reebay muslimiinta.

GUNAANAD: MAXAA LAGA BARAN KARAA JABKII TATAARKA?

Tataarka laba arrimood oo keliya ayaa lagu jabiyey waa midnimo iyo hoggaan wanaag oo abuuray in la midoobo lagana baxo cabsida, loona diyaar garoobo jabinta iyo la dagaallanka ciidankii ugu awoodda badnaa ee Holaako hoggaaminayay ee Tataarka.

Waxaa inoo muuqanaya in waxa Tataarka u fuduudeyey jabinta muslimiinta ay ahay kala daadashada iyo midnimo la’aantii muslimiinta, waxaa la dareemi karaa dalal badan oo Muslimiin inay haysto mid u dhow qisadii iyo dhacdooyinkii Tataarku ku hayay Muslimiinti hore, Taariikhda oo dib isku qoraysa awgeed, waxa lama hurraan ah inay muslimiinta mar walba la yimaadan Midnimo iyo hoggaan wanaag u horseedi kartaa inay ku aflaxaan dunni iyo Aakhiro oo Rabbi nagula garab galo

MIDNIMADU IYO HOGGAAN WANAAGU WAA SABABTA GUUSHA MUSLIMIINTA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *