MAXAA SABABI KARA INAAN LAGAA AQBALIN DUCOOYINKA?

Jawaabtu waxaa iska leh Ibnul Qayyim, Allaha u naxariistee.

Ducaddu waa mid ka mid ah sababaha ugu xoogga badan ee dhibbaatooyinka la iskaga ilaaliyo loogana hor tagi karo looguna dhawaado Alle SWT laakiin saamaynteedu iyo aqbalkeeduba waa lagu kala duwanaan kara sida xaga Alle looga ijaabayo ducadaasi.

Sababahan dhowrka ayaa ka mid ah asbaabta aan loo aqbalin ducooyinka qaar marka lala yimaado si la mid ah sida ku xusan qodobbadan hoose:

  • Haddii ducadu tahay mid gardarro, dulmi ama xumaan loo jiheynayo arrintaasi Alle ma jecla waana mid makruuh ah lana soo celiyo oo aan la aqbalin.
  • Ibnu Al-Qayyim wuxuu sidoo kale tilmaamaya isaga oo isku soo wada daraya in Sababaha iyo Caqabada keeni kara in la heli waayo aqbalka ducada waxaa ka mida, cunista xaaraanta oo ummada kusoo baddatay, Dulmiga oo caaddo ka dhex noqday ummada iyo Dambi Quluubta dagay oo illowshi/halmaanshiyo iyo madadaalo ku sababa ruuxda aadanaha.

Waxaa laga weriyey Abuu Hureyrah, Eebbe haka raalli noqdee, wuxuu Rasuulka (scw) yiri. “Illahay  barya oo waxa idin hubaal ah in ducadiina la ijaabo”.

Ugu dambeynti, ogow oo xasuusnow mida ugu muhiimsan oo noqonaysa in aanu Eebbe ka aqbalin ducada qalbi halmaansan oo kasii jeeda iyo ruux dulmi iyo acmaal Alle aan raalli gelineyn ku dul taagan.

Ilaahay ha u naxariisto Ibnu Al-Qayyim, cilmigiisana ha ka yeelo mid muslimiinta anfaca.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *