– QEYBTII 3AAD – KHEYRAADKA DALKEENNA MA DHALLANTEEDBAA?

WAA CASRIGII KACDOONKA IYO BARAARUGA UMMADEEED!

Akhriste, haddii ay indhahaagu soo akhris-mareen labadii qeybood ee hore aan ugu daabacay bartan, waxaad si fudud u garan doonta dulucda aan ka leeyahay qormadan qeybteeda seddexaad ee aad haatan indhaha ku hayso.

Waxaan ogsoonahay in dugsiyada, goobaha waxbarasho iyo cilmi duurreedkaba aan kusoo qaadanay in dunidan aan ku noolnahay ay soo martay marxaladdo kala duwan, gaar ahaan aadanahii ku dul dhaqanaa adduunka waxa uu lasoo kowsaday casri-jaahiliya oo aan la aqoon si la isku asturo oo uu qofku cawradiisa jireed uga asturto indhaha dadka kale ee aan xaqa sugan u lahayn inay daalacdaan cawradiisa. Waxaa lasoo maray casri uu nooluhu (Aadanaha) diirrada saari jiray ugaarsi iyo qaraabsi oo keliya, kuna toosi jiray inuu calooshiisa buuxiyo si uusan baahi darran oo olol ku shida gudaha calooshiisa ugu seexan xilliyada gudcurka (Habeenkii), halka subaxda kale inuu quud helayo iyo in kale xisaabta aan lagu darsan jirin keliya maalinta la taagan yahay ayay noloshu ahayd ku quud hel ama ku qad. Casri waxaa lasoo maray in nooluhu uu garto adeegsiga xoogga iyo murqaha oo keliya inaysan noloshu kusii amba qaadi karin oo lagu hooggi’ doono, waxa uu aadanuhu gartay in loo baahan yahay garashada adeegsiga garaadka iyo in maanku uu noqdo hagaha nolosha ka hor inta aan far la dhaqaajin oo xoog-maal lasii ahaan. Waxay dadkii hore ku baraarugeen keydinta aasaarta iyo xogaha nololeed ay la kulmaan si aysan dabbintaasi dib oo dambe ugu dhicin, waxay dunnidu sii jirtaba, waxay soo gaareen dadkii noola casri ay kala garteen ogaalkeeddana ay yeesheen, waxa loo yaqaan kheyraadka dabiiciga, waxay dadku ku baraarugeen ka faa’iideysiga kheyraadka ku jira Badda iyo Barriga oo lagu soo caanna maalley ilaa maalintan aynu joogno, siday doontaba ha isku daba-rogto waayaha dunida iyo casriyadii lasoo maray ilaa lagasoo gaaray casriga adeegsiga Tiknoloojiyada.

Wuxuu casriga nololeed isbeddelo oo dadku ay ku kala dheereeyaan xirfaddaha iyo aqoonta, horumarka iyo barwaaqo sooranka, la dagaallanka faqriga iyo baahida, keliya waxay u suurta-gashay inay ka faa’iideysteen cid allaale’ ciddii la jaan-qaaday isbeddeladii casriga nolosha, waxaase ku hooggay cid allaale’ ciddii ka hartay ee duruufta nolosha ama gaabsi ay la yimaadeen u sababay inay ka haraan tartanka nololeed iyo la jaan-qaadka dadyowga kale.

Dadkayga (Soomaalidu), waxay ka mid ahaayeen dadkii ay duruufaha nololeed iyo gaabsi ay la yimaadeen sababteeda isugu biirsadeen inay ka reebaan la jaan-qaadka dunida inteeda kale. Hassa’ahaate, dadkayga waxaa loogu cuddur-daaraya inay ku hooggeen waayihii seefta guumeystuhu galka ka saarana ee uu ku diidana xitaa inay si xornima leh ciidooda ugu neefsadaan, waayihii xurnimo doonka iyo guumeysi diidka ee dhiiga loo daadiyey si la iskaga kiciyo dulleysiga iyo liidashada uu ku haystay dadkayga, mudadaasi ka dib waxay dadkii u baahdeen soo kabsasho ballaaran, iyada oo geesta kale laga waday hana-qaadka iyo dhisida hannaanka dowladnimada ee aan horrey qof Soomaali ahi u arag.

Wixii xoog, maal iyo waqtiba lagu bixiyo dhisida dowladnimada, waxa loo soo joogay in dowladdii rayidka saaxada laga saaray, iyada oo aan kheyraad iyo war-la halmaala aan lasoo hadal qaadin, ileen tabar iyo awood looma hayn xilligaas, waaxana taladii la wareegeen hoggaankii Militiragi, waxaan marnaba la inkiri karin oo indhaha aan laga qarsan karin in 1980-meeyadii dadka iyo dalkuba ka muuqday soo kabsasho, loona jiheystay wax soo saar iyo warshaddeyn habba’ yaraatee.

Waxaase laga wada dharagsan yahay wixii ka dambeeyey 91-kii bur-burkii la galay oo sababay baa’ba iyo bas-beel. Intaasi ka dib waxaa loo soo digaal rogtay garashada in laga gudbo wixii lasoo maray sabab walba haku abuurmee. Waxaana sidaa lagu soo gaaray kabsasho iyo horumar ay hoggaanka u hayeen ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqana gudaha iyo dibbedda xuduudka dalkeenna.

Haddii aad ka soo dharagtay casrigii ay dunnidu soo mareen iyo sababta aynu uga harnay oo kooban, waxaa aan u baahanahay inaan la nimaadno garasho iyo gacmo furan kuna midowno inay tahay casrigii kacdoonka iyo baraaruga ummadeed . Waxaa ganacsatada, aqoon-yahanka iyo hal-doorka bulshada oo garab socota dowladooda looga baahan yahay in loo baraarugu in dalkani kheyraadkiisa si wada jir ah loogu dhaqaaqo, sidii jiilka hadda jira iyo kuwa dambe ay u gaari lahaayeen gurashada geedka aan miraheeda sii beernay. Taarikhdaasi kooban waxaan diirrada ku saarayay in lagu baraarugu lana garto warku marka uu marayo kheyraadka dalkeenna inay ka weyn tahay qof iyo doonis koox gaar ah balse ay tahay dannaha iyo mustaqbalka ummad meel wada yaal oo isku duruufa loona yaqaan Soomaali.

Haddii intaan lagu garto inay ku baraarugaan inta leh garashada, waxaan qeybta xiga kaga warrami doona doorka dadweynaha iyo dowladda ay ku leeyihiin u kicida safarkan adag ee midnimada looga gudbi karo. Maxaa dhici kara haddii aan garab shisheeye kusoo biirino safarkaasi, maxaase la gudboon inta talada dalka maanta haysa iyo inta ka maqanba, Waxaan faallada xigta ku faaqidi doona sidee ayay dowladdu uga faa’iideysan kartaa kacdoon iyo baraaruga dadkeeda mar haddii ay gartaan in waxa ka maqan ay milyan laab ka badan tahay waxa yar ee sacabaha lagu haysto ee aan sugneyn sii haysashadooda.







La soco qeybta 4aad dhawaan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *