SIDEE AYAAD KU HOGGAAMIN KARTAA NAFSADAADA?

Hoggaaminta keliya ma aha in la hoggaamiyo qof, koox ama dadyow meel ku wada sugan, hoggaaminta ugu muhiimsan waa barashada inaad hoggaamin karto nafsadaada.

Hoggaaminta halka ay ka asaasanto waa inuu qofku nafsadiisa u yahay hoggaan sugan oo ku hagga dhabaha saxda ah, ka dib waxa uu si fudud qofkaasi u hoggaamin karaa cid walba oo harsanaysa geedkiisa.

Haddaba, sidee ayaad ku Hoggaamin kartaa Nafsadaada?

Si aad u hoggaamiso nafsadaada, waxa aad u baahan tahay inaad raacdo tallaabooyinkan hoose:

  1. Mar walba joogtay Barashada wax cusub

    Tallaabadan 1aad, waxay nafsadaada u horseedaysa inay kororsato oo ay hesho aqoon joogta ah oo aad macalin ugu noqoto inaad nafsadaada ku hagto kuna joogtayso barashada wax cusub oo wax tar leh, sida ay khabiiradu xusayaan ” ugu yaraan qofka haddii uu maalintiisa saacaad ka mid ah wax akhrin ku qaato (Mowduuc gaara oo uu ku takhasuso) waxa uu muddo 5 sanno gudahood noqon doona aqoonyahan ku xeel-dheer Mowduucyadii uu sida maalin-laha u lafa guri jiray.
  2. Dagso hadaf nololeed oo ku gaara

    Waa inaad lahaata hadaf nololeed oo qoran, waa inaad lahaata hadaf nololeed oo ku dhisan maalin-le, isbuuc-le, bil-le, sannad-le, waana inaad hubisa inaad mid mid u fulliso howlaha kaaga qorsheysan hadafyadaada nololeed, sida inaad shaqo bilowdo, wax barato, guursato, hanti gaara yeelato, hal abuur ganacsi furato, xiriirka Alle xoojiso iwm.
  3. Dhisida xiriirada muhiimka

    Waxa lama huraan ah inaad dhisto xiriirada muhiimka ah ee noloshaada wax tarka u leh, sida inaad si joogta u barato dad kala duwan oo wax tar leh, noloshooda iyo waaya-aragnimadooda wax ka qorato, la saxiib dadka khibrad iyo da’ ahaan ku dheer oo aad ka faa’iidi karto xiriirka aad la sameynayso, xasuusnow inay muhiim tahay hubinta dadka aad xiriirka la sammeynayso ka hor inta aadan la fal-gelin.
  4. Isla xisaabtan

    Waxa ay dadka intooda ugu badan ka cabsadaan inay nafsadooda xisaabiyaan ka hor inta aan la xisaabin maalinta dambe, sidaasi daraadeed, waa inaad joogtaysa la xisaabtanka nafsadaada, halka aad waqtigaaga ku bixinayso, maskaxdaada iyo hantidaada waa inay noqota mid ku dhisan isla xisaabtan hore iyo mid dambe, hoggaamiyaha toosani waa midka ogaal ka haysta waxa ka qaldan iyo inta u saxan, si taas loo helana waa inay jirtaa isla xisaabtan joogta ah.
  5. Mahad-naq

    Mar walba oo aad guul nololeed gaartaaba, waa inay astaan ku ahaata inaad Alla ugu mahad celiso, cida mudnaanta xigta lehna aad siiso mahad celin, nafsadaadana aad kusii dhiirra-geliso hanashada guulal intaasi ka sii badan. Waxa aad xasuusnaata in Mahad-naqa uu yahay bar kantarool oo kale, loogana baahan yahay inaad horrey uga socoto, si aad u gaarto barta xigta.

Akhriste, mar walba oo aad u baahato inaad qoys, koox, bulsho aad hoggaamiso xasuusnow inaad adkeyso hoggaaminta nafsadaada adiga oo raacaya tilmaamaha kor ku xusan.


Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *