WAX KA BARRO SHAN HAL-ABUUR OO LAGU ABUURI KARO FURSADO SHAQO

Hal-abuur waxa loo yaqaan, wax walba oo xirfad ama aqoon ahaan ugu timaada qofka. Hal-abuurrada qaar waa kuwa lagu dhasho oo qofku uu hibbo ahaan u haysto, balse inta ugu badan hal-abuur walba waa mid la baran karo oo ku xiran sida qofka baranaya uu ugu dhuun daloolo barashada hal-abuur isaga/iyada xiiso u hayo aaminsana inuu ka mirro dhallin karo.

Waxaa jira boqolaal hal-abuur oo lagu hindisi karo ganacsiyo yar-yar iyo fursado shaqo oo qofka lihi hal-abuurkaasi ku maareyn karo noloshiisa. Waxaan qeybtan hoose kugula wadaagi doona, shan hal-abuur oo barashadeeda muhiim ay u tahay qofka, kuna abuurran karo fursad shaqo oo isugu beddeli kara ganacsi yar oo u gaara. Waxaana ka mid ah: –

1. Farsamada Gacanta: nooc walba oo ka mid ah farsamada gacanta waxay sal-dhig u tahay inaad si madax-bannaan ugu shaqeysan karto xirfadaada, waxaana ka mid noqon karaa (Farsamada cilad bixinta Korontada, Tubooyinka Biyaha, Farsamada iyo sanaacada Alaabaha jiifka iyo fadhiyada) iyo farsamo walba oo la xiriirta farsamooyinka aasaaska u ah nolosha aadanaha.

2. Naqshadeeye: Haddii aad ku xeel-dheer tahay dhanka adeegsiga Aaladaha casriga iyo aqoonta Graphic Design, waxaan kugusii bishaaraynaya inaad tahay qof hal-abuurkiisa iyo xirfadiisa shaqo looga baahan yahay guud ahaan dunida oo dhan, gaar ahaan deegaanka aad ku noshahay, keliya waxaa ka xigta inaad bilaabto adeegsiga baraha bulshada kuna soo bandhigto hal-abuurrada aad curisay ka dibna aad booqato xarumaha ganacsi iyo shirkaddaha u baahan adeeggan. Mar kale waxaan ku xasuusinaya in cid walba wax naqshadeyn karto balse la is dheer yahay hal-abuurka.

3. Sawir-Qaade/Muqaal Duube: Haddii aad tahay qof ku xeel dheer farsamada sawir qaadista iyo duubista muqaalo cajiib ah, waxaa fursado badan ay kaaga bannaan yihiin inaad iskaaga u shaqeysato oo sawirada/muqaalada aad gaarka u leedahay xuquuqdeeda ku bandhigto baraha bulshada si aad uga abuurto dad xiiseeynaya dhaq-dhaqaaqaaga taageerana kuu muujinaya, waxaa sidoo kale baahi ballaaran ku qaba goob walba oo bulshadeeda kula xiriirta baraha bulshada inaad ka qaado sawiro/muqaalo tayo sarre leh oo hal-abuur cajiiba lagu hindisay.

4. Cunto Kariye: Waxaa suuqyada kusoo badanaya maqaayadaha yar-yarka oo laga hirgelinayo xitaa darjiimooyinka wadooyinka loogu adeegsiga badan yahay, maxaa ku diidaya inaad kusoo biirto bahda ku takhusasay inay cunno cajiib ah oo ay ku kasban karaan boqolaal macamiil joogta ah oo aan meel kale ku xirneyn si maalin-le ah uga sammeyn kara macaash nololeed oo mustaqbal ganacsiyeed ku abuurri kara. Waxaa tallaabadan ka xiga inaad hesho maal-gelin yar oo aad gadaal ka celin karto suuqana aad kusoo gasho cunno dhadhan sugan leh oo lagu kasban karro macamiisha.

5. Maamulida Baraha Bulshada: Inta ugu badan goobaha ganacsi waxay si dhow u fahmeen inay u baahan yihiin macamiil ka baaxad badan inta ay sida joogtada ugu soo booqata xarumahooda ganacsi, sidaasi daraadeed waxay xarumahaasi abuurteen bogag ay ku leeyihiin baraha bulshada oo ay isku soo bandhigaan kuna abuurtaan macamiil dheeri ah. Tallaabadaasi ma dhammeystirmi karto haddii uusan jirin qof ku xeel dheer adeegsiga baraha bulshada kala garan og’ xeerarka iyo sharciyada baraha bulshada, garan og’ farsamada lagu kasban karo macamiil kala duwan laguna abuurri karo taageerayaal badan. Haddii aad talaabooyinkaas xalkeeda aad hayso, waxaan kugu sii bishaaraynaya inay ku baahan yihiin nooc walba oo xarun ganacsi ah.

Ugu dambeyn shantan hal-abuur/xirfaddo waxay si dhow kaaga caawin karaan inaad cagaha saarto dhabaha horumarka iyo shaqo abuurka, waxaa ka xiga inaad mid kood haddii aad ku wanaagsan tahay aad si horumariso, diyaarsato CV muujinaya aqoonta aad u leedahay, fadhigana ka kacdo oo aad booqato meel walba oo ku baahan si ay uga faa’iideystaan hal-abuurkaaga.

Haddii aad leedahay mid ka baxsan hal-abuurrada kore, xasuusnow in laguu baahan yahay oo keliya ay kaa xigto inaad si horumariso hal-abuurkaaga oo aad la raadsato cid qabta baahiyahaasi.



Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *