XASUUSIN: MAXAA KUU QABSOOMAY ILAA MAALINTII 6AAD EE BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAN?

XASUUSIN

Waxaa inteena ugu badan Shan maalmood ka hor si nabad iyo caafimaad qab inoogu bilowday bisha barakaysan ee Ramadan.

Bilashada bisha barakaysan ee Ramadan ka dib, qofka soomani waxaa uu dareemi karaa sida uu waqtigu uga duwan yahay sidii hore iyo sannadihii hore ee bishan aan soomi jirnay. Sida uu waqtigu uga ordaayo cid walba oo aan dareemayn qiimaha gaarka ay leedahay ka faa’iideysiga bisha Ramadan oo ku baraarugi doonta dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadan iyo bilowga maalmaha kooban ee Ciida muslimiinta.

Sidaasi daraadeed, waxaan is xasuusinayna in tobankii hore ee Raxmada wadatay ay sii dhammaatay, iyada oo qiyaasti dadka ugu badan aysan uga faa’iideysan sidii ugu mudneyd in loo gutto waajibaadyada ay xambaarsan tahay bishan, waxaana harsan oo baaqi inoo ah laba tobonaad oo si la mid ah sidii tobankii hore inoo dhaafi doona, haddii aan loo daymo la’aan.

Waxaan is xasuusinayna inaan ka faa’iideysano inta inooga harsan oo aan laba-jibaarno acamaasha iyo sameynta ficilada kheyrka leh oo inaga mudan inaan joogteyno bishan barakaysan iyo bilaha kaleba.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *